Kadib markii ay maleeshiyaadka oromadu bilaabeen laynta iyo gumaadka dadka Somaliyeed ee dagan xadka Ogadenia iyo ismamuulka Oromada, wuxuu caawa cabsi xoogan soo food saartay shacabka dagmada Baabili ee gobalka Faafan oo iyana kabaqaya in loo qaysto gumaad lamida midka lagu hayo shacabka Moyaale
.
Shacabka soomaliyeed ee Baabali oon xidhiidh lasamaynay ayaa Halgan Media usheegay in ay ka cabsi qabaan weerar kaga yimaada dhanka maleeshiyaadka Oromada.

Todoobadki hore ayey aheyd markii ay maleeyshiyaadka Oromada afdubeen sedax wiil oo Somalis iyo gabadh Somali oo ku socda wadaada udheexyo degmada Baabili iyo xerada Qoloji oo katirsan gobolka Fafaan ee dalka Ogadenia.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.