Wararka nagasoo gadhaay gudaha Ogadenia gar ahaan gobolka Libaan ayaa sheegaya in maleeyshiyaad Oromo ah ayaa weerar ku qadaay shacab Soomaaliyeed ku dhaqaan degmada Dheka Sufti oo waxba galabsanin.

Ugu yaraan laba qof ayaa dhawaac gadhaay. Kadib weerarka bahilniimada ay maleeyshiyaadka Oromada soo qadeen, mamuulka degmada Dheka Sufti ayaa dadka dhawaac ahaa u direen baabuur soo qaada laakiin waxaa Baabuurkii dhexda u galay maleeyshiyaad Oromo ah oo rasaas ku furtay inkasta oo uuna khasaare jirin.

Labada nin ee dhaawaca ah ayaa hadda lagu dabiibayaa Isbitaalka magalaada Fiiltu ee gobolka Libaan. Xasuuqda ay maleeyshiyaadka Oromada kuhayaan shacabka Somalida Ogadenia ayaa sii xoogeysatay kadib markii ay ismamuulka Oromada ay bilaabeenmashruuc dhul ballaarsi aan caadi aheyn, siidi dhulka Somalida la boobo.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.