Wararka nagasoo gadhaay gudaha Itoobiya  ayaa sheegayo qorsho ay wadaan Jabhada Tigreega loo yaqaano TPLF kusabsan degnaasho laanta kasocdo ismaamulka Amharada ee Waqooyiga Itoobiya.

Ururka NAMA oo kasoo jeedo qomiyada Amharada ayaa jabhada TPLF ku eedeyaay inay ka dhambayaan dagaalada iyo weerarka oo marwalba kasocdo gobolka Gonder ee ismaamulka Amharada gar ahaan magalaada Chilga Wareda. Ururka NAMA ayaa sheegay In Jabhada Tigree (TPLF) ay hubaynayaan qomiyada loo yaqaano Kimet oo kudhaqaan gobolka Amharada siidi ay isku dhacaan shacabka Amharada iyo qolaada Kimet.

Arintan ayaa muujinaysa colaada ay qoomiyada Amharada uqabto qoomiyada ay dariska yihiin ee Tigreega, taas oo taariikh ahaan uu kadhaxeeyo xifaaltan iyo xukun isku qabsasho, waxayna labadan qoomiyadoo isu kala badali jireen xukunka baadilka ah ee Gumaysiga Itoobiya.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.