Magaalada Mandheera ee ku taala xaduudka beenad udheexeyo Soomaaliya iyo Gobolka NFD ayaa waxa ka dhacay kulan dhexmaray wasiiradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo Kenya.
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaliya Axmed Ciise Cawad iyo Monika oo ah wasiirka arrimaha dibadda Kenya ayaa kulankaasi wada qaatay waxaana diiradda lagu saaray arrimo la xiriira adkeynta nabadgelyada xudduudaha iyo hagaajinta xiriirka labada dhinac
Dhowr jeer oo hore ayaa xadka labada dal waxaa ka dhacay qulqulatooyin, qodobada la isla gartay waxaa kamid ah in la dhiso guddiyo heer qaran ah oo xalliya khilaafaadka dhexmara dadka deggan xudduudaha.
Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.