Weerar madaafiic loo adeegsaday ayaa saaka lagu qaaday saldhigga ugu weyn ee ciidamada Mareykanka ay ku leeyihiin gudaha dalka Soomaaliya gar ahaan Garoonka Balidoogle oo ku yaalla duleedka degmada Wanle-weyne ee gobolka Shabeelle Hoose.

Al-shabaab ayaa baraha Internet-ka ee taageera ku sheegtay in madaafiic hoobiyeyaal ah ay weerareen saldhigga Balli-doogle.

War ay soo saartay Al-Shabaab ayay sidoo kale ku sheegtay in saldhigga Balli-doogle ay ka kacaan dayuuradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanku duqeymaha kaga geysto Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Maamulka gobolka Shabeelle Hoose ayaa ka gaabsaday inay faahfaahin ka bixiyaan weerarkan, lamana hayo faahfaahin ku saabsan khasaaraha duqeyntan.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.