Ciidanka ilaalada Guddomiyaha degmada Tuliguuleed Maxamed Khalif iyo maleeshiyaad hubeysan ayaa lagu soo warramayaa in ay isku hor fadhiyaan qeybo ka mid ah degmada Tuliguuleed ee gobolka Fafaan.

Xiisadan ayaa la sheegay in ay salka ku heyso muran
ka dhashay meshaar laga jaray maleeyshiyaadka kusugaan degmadaasi.

Ilo deegaanka ah oo la hadlay Halgan Media ayaa sheegay in ay cabsi xoogan ka qabaan in dagaal uu ka qarxo halkaasi.

Xaaladda degmada Tuliguuleed ayaa muddooyinkii dambe aheyd mid kacsan, iyadoona ay ka taagneyd xiisad dhinaca maamulka ah.

Warkan wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media