2/1/2010 waxay ahaayd maalin murogo ii ahayd. Aniga iyo faamilkayga lagamana yaabo inaan ilaawo inta aan noolahay.

Wakhti saacadu ay ahayd 10:30 galab nimo ayay ciidamada gumeysiga itoobiya sogaleen xaafadana, goobtu waa magalaada Dhagaxbuur ee xaruunta gobolka Jarar.

Arday ayaan ahaa mana fahansanayn qorshaha siyaasadeed iyo hardanka Geeska Afrika kasocda marka laga reebo inaan tageersanaa guusha halganka ONLF kasoo shacabka dhulka Somaliyeed ee ay itoobiya gumaysato ay wada tageersanayeen.

Laba askari oo itoobiyana iyo hal askari oo Soomaali balse kamid ahaa ciidanka sirdoonka gumeysiga itoobiya ayaa soogalay xafaada iyaga oo ayaayday Xayba Dahir Sigad waydiiyay away wiilkaagii.

Waxaan kujiraa barandada guriga xiligaa waxaan udiyaarsanaa inaan suuqa aado. Way iiso galeen iyo qori ayay igu qabteen, waxayna igu amreen inaan gacmaha kor utaago.

Daqiiqado gudaheed way iqabteen waxay isla goobtii iigu gaysteen jidh dil qoriga shubkiisa ayay ila dhaceen, waxayna iga xidheen gacmaha.

Gaadhi dadan oo uu lahaa taliyaha ciidanka itobiya ee gobalka Jarar ayaa laygu qaaday, waxaan la igeeyay xerada ciidanka itobiya.

Shan habeen ayaa laygu hayay. Kama sheekayn karo xaalku siduu ahaa iyo ciqaabtii laysoo mariiyay. Markasta oon xusuusto walahi waan ilmeyaa.

Mudayar kadib waxaa la igeeyay xabsiga magalaada Dhagaxbuur, halkaas oo layga sii gudbiyay Jeel Ogaden oo kuyaala magalaada Jigjiga.

Kama sheekayn karo ciqaabtii Jeel Ogaden lakiin waxaan kutilmaami karaa cadaabkii oo ifka loosoosaaray jidh dhil, gaajo, bahdil iyo waxyaabo uuna rumaysan karin qofka aan soo arag meshaa ayaan kala kulmay Jeel Ogaden.

2010 ilaa 2014 dhamaad keedi ayaan kujiray xabsiga Jeel Ogaden. Magalaada Dhagaxbuur ayaan imid marki layga sodaayay Jeel Ogaden 16/11/2014.

 

Maxay Dhacay Kadib ? 

Intaa aniga ooy igu dhacday kuna qanacsan ileen waa xaalada iska caadiga ah ee wadanka kajirtee ayaa markale dhib loogaystay waalidkay. Waxaa jeelka lootaxaabay aabahay Maxamed Ahmed Nuur Digaale, hooyaday Ceeg Aadan Muuse, Ayeeyo Xayba Dahir Sigad iyo caruurtayadii aadhan waa dhacdo kale oo iyaga murugo leh.

Mudayar kadib aabahay waala soo tar xiilay, isaga oo jidh dil badan loogaystay kana jaban gacan iyo feedhaha. Hooyo iyo reerka intiisii xabsi guri aan meela ubixi karin mudo sanad kudhaw.

 

Maxaa Xal Ah ? 

Xalkale majiro oon ka ahayn in gumeysiga itoobiya layska dulqaado waayo cida waxan keenaysaa ee bayhoofka nabaday aniga iyo bulsha badan oo shacabka Ogadenia ah waa gumeysiga itoobiya.

Waxaan ahay Amiin Maxamed Xaqdoon. Waxaan wacad kumaray marsii horaysay inaan kaqayb qaato halganka gobanimo doon ee ay hogaanka uhayso ONLF.

Majiro wax igu qasbay ee waxaan aaninsanahay inuu yahay wadada kaliye een kagaga bixi karo duruufta bayhoofka kala qoqobnaanta iyo masiibada kuhabsatay aniga iyo reerkayaga.

Waa wadada kaliya een umari karo in aan markale farxad kula nolaado hooyaday, aabahay iyo caruurtanadii.

Waxaan fariin udirayaa aabahay iyo hooyaday. Waxaana leeyahay aabe iyo hooyo gumeysiga ayaa sababay inaan idinla nolaan waayo. Aniga oo curadkiini ah dhibka iyo tacadiga idin haystana waa mid aad laqabtaan 8 malyan ee Ogadenia kunool kaliye waxaan idiinka baahanahay duco inuu ilahay nagu guleeyo Jihaadka xaqa ah een qalabka uqaadnay kasoo aan kuxoraynayno dadka iyo dalka.

Hadal iyo dhamantii ilahay waxaan kabaryayaa guul iyo Ogadenia oo xorowdo.

Amin Maxamed Ahmed Xaqdoon