Wararka ka imaanaya gobolka Afdheer gaar ahaan degmada Jararti ayaa ku waramaya in caawa dablay hubaysan toogasho dilay 2 Xubnood oo katirsan Jabhada ONLF.

Labada Xubnood la dilay ee kamida Jabhada ONLF ayaa Lagu kala Magacaabaa Wali Xussen iyo Macaalin Cumar. Weli lama ogow sababta loo dilay labada ruxx oo waxba galabsanin.

Qar kamid dadka degaanka ayaa xaqiijiyay Falkani Dilka ah ee loo geestay dadka shacabka, kuwaas oo tilmaamay in  aysan garanayn sababta ka dambeysa dilkaasi.  intaba walow ay ka gaabsadeen in aan Codkooda u adeegsano Qalabka warbaahinta Sababo Amni awgeed.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.