Degmada Shaygosh, Shilaabo iyo degaano kale katirsan gobolka Qorahay ayaa la sheegayaa in ay ka taagan tahay xaalad abaareed oo aad u daran, isla markaana saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada.

Abaarta ayaa timid kadib markii diraac adag lasoomaray isla markaana lawaayay roobabkii dayrta oo xiligii laheli jiray lasoo dhaafay, sidoo kale roobkii gugii ina dhaafay ayaa kuyaraa meelo badan oo dhulka Ogadenia ah siidi gobolka Qorahay.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid u gurmatay dadka ku dhiibaysan deegaanka xalin ee gobolka Qorahay, inta badan gobolada dalka ayaa waxaa ku habsaday abaar aad  u daran.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.