War hada naga soo gaadhaya Gobolka Gambella ee Galbeedka Itoobiya ayaa sheegaya xiisad xun oo halkaas kataagan kadib dagaal khasaare badan gaystay oo dhex maray ciidanka gumaysiga Itoobiya iyo qar kamid Maxabiista.

Sida xogta aan kuhelayno dagaalka ayaa bilowday kadib markay maxabiista weeraren Booliska xabsi joogo, waxaana lasheegayaa in uu dagaalku gaystay khasaare balaadhan oo aan wali lasoo faahfaahinin.

Warka ayaa intaas kudaraya in ugu yaraan 92 maxabiis ka baxsadeen Xabsiga siidi ay sheegan Warbahiinta ku hadasho Afka dowlada Itoobiya. Ma aha markii ugu horaysay ee Maxabiis ka baxsadeen xabsiyaada Itoobiya

Faahfaahinta kusaabsan dagaalkan iyo khasaaraha kadhashay kala soco Halgan Media.