Shacabka Axmaraada ayaa wali halkoodii kasii wada banaan baxyadii ay maalmahanba wadeen ee isdaba jooga ahaa. Wararka aan helayno ayaa tibaaxaya in Gobolka Wollo banaanbaxyo waa wayn ka dheceen.
Shacabka banaanbaxaya ayaa ka cabanaya dilka iyo barakicinta ay maleeyshiyaadka Oromada kuhayaan shacabka Axmaraada ee ku dhaqan deegaamada ku liilsan xadka ay wadaagaan Ismaamulka Oromada iyo gobolka Wollo oo katirsan Ismaamulka Axmaraada.
Xiisad isir nacayb ku salaysan ayaa ayaa in mudo ah ka socota xadka ay labada qawmiyadood wadaan. Dawlada Dhexe ayaa ciidamo aad u tiro badan kusoo daabushay deegaamada ay xiisadu hadheeyeen balse aan wali waxba soo kordhicin.
Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.