Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Halgan Media ayaa sheegaya in jidka weyn dhex mara degaanka Bench Maji ee ismamuulka Shucuubta Koonfureed ayaa weli xidhan oo laga bilaabo Jimcaadi nasoo dhaftaay.
Warkan ayaa intaas ku daraya in maleeyshiyaad gadoodsan oo u dhashay degaanka Bench Maji ay xidheen jidkan oo halbawle u aha dhaqaalaha Itoobiya. Waxaa safaf dhaadeer ugu jira gawaadhi xamuul kala duwan sida oo u kala gooshi lahayd labada dhinac balse jidkii laga xidhay.
Sida ay kusoo waramayaan dadka arimaha Itoobiya ka faalooda, Maleeyshiyaadka gadoodsan ayaa ka cabanaya xiisada ka taagan Ismaamulka Shucuubta Koonfureed u dhexeeyo qomiyadaha kala duwan isla degan Ismaamulka Shucuubta Koonfured.
Xiisadan kasoo korodhay jidkan la xidhay iyo gaadiidkan xaniban ayaa dhaawac balaadhan u gaysan doonta dhaqaalaha Itoobiya oo markiisii horaba aan tabar iyo taag toona lahayn.
Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.