Wararka nagasoo gadhaay degmada Tuliguuleed ee gobolka Fafaan ayaa sheegaya inay Ciidamo ka tirsan kuwa milatariga Itoobiya weli ku qulqulayaan gudaha degmada Tuliguuleed, waxaana xidhmay dhamaan goobihii adeega gar ahaan ganacsihii.
Waxaana la sheegay in Ciidamadan fariisimo cusub ay ka sameyteen qeybo ka mid ah degmada Tuliguuleed ee gobolka Fafaan.
Sidoo kale ilo lagu kalsoonaan kaaro ayaa sheegay in xaalada guud ee degmada aan hada la sadaalinkarin, waxa shaki badan laga muujinyaa in arimahan ay keenaan xasuuq iyi tacadiyo kale oo baahsan.
Mana jirto ilaa iyo hadda wax hadal ah kasoo baxay dhanka mamuulka Mustafa Cagjar oo ku aadan ciidamadaasi Ku sii qulqulaya degmada Tuliguuleed.
Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.