Wararka nagasoo gadhaay gobolka Shiniile ayaa  sheegay inay ciidamada Itoobiya dad shacab ku layeen degmada Afdem ee gobolka Shiniile.

Dadka degaanka oo la hadlay Halgan Media ayaa sheegay inay ciidamada Itoobiya rasaas ku fureen dibadbaxayaasha oo Ka Qayb Galay banaanbaxyo oo kasocday degmada Afdem, taas oo loogu hor jeeday Xasuuqda ay maleeyshiyaadka Canfaarta u Geysteen shacabka Somalida oo galabtii ka dhacay tuulada madane ee gobolka Shiniile.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa Halgan Media u xaqiijiyay inuu ugu yaraan hal Qof ku dhintaay rasaasta ay ciidamada Itoobiya ku fureen shacabka. Murxuumka la dilay waxa la yiradha Maxamed Adam Muuse.

Shacabka iyo bulshada Afdem ayaa waxaa dareen xoog leh ku abuurtay dhacdada maanta ka dhacday degmada Afdem. Waxaa gudaha degmada laga dareemayaa hadallo Itoobiyan naceyb ah oo lagu dalbanayo in ciidamada Itoobiya ka baxaan degmada.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.