Wararka naga soo gaadhaya gobolka Jarar gaar ahaan Degmada Yocaale ayaa waxay sheegayaan in Maleeyshiyaadka Liyuu Booliska ay Qof shacab kala baxeen gurigooda, ayagoo u taaxaabay xabsi Maleeyshiyaadka Liyuu Booliska uu ku leyihiin Dagmada Yucub.

Niinka la xidhay ayaa waxaa magaciisa naloogu sheegay Mahamed Ahmed Nuur Digaale. Maahan markii koobaad ee Maleeyshiyaadka Liyuu Booliska ay Xadhig u geysteen dad shacab oo aan waxba galabsaniin.

Waxaan ilaahay uga baryaynaa inuu Maxamed Ahmed Nuur Digaale uu gacanta cadawga kasoo daayo, waxaana idiin kasoo gudbin doonaa dib wixii kasoo kordha kala soco Halgan Media.