Wararka naga soo gaadhaya degmada Chiro ee ismamuulka Oromada ayaa sheegaya dagaal kacan kahadal ah oo dhex maray ardayda dhigata jaamacada Oda Bultum

Sida warka aan kuhelay ardayda udhalatay qoomiyada Oromada ee wax kabarata jaamacadaha Gobolkaas ayaa weeraray ardayda udhashay qoomiyadaha kale ee wax kabarata jaamacada.

Ardayda laweeraray ayaa bilaabay in ay isdifaacaan kadib markii weerar qorshaysan lagu ekeeyay waxayna ardaydu bilaabeen iskacaabin xoog badan.

Sidoo kale wararka ayaa intaas kudaraya in ugu yaraan 6 Qof Ku dhawaacmay dagaalka ka dhacday jaamacada. Dagaalkan ayaa dabada kuhaya dagaalada kajira guud ahaan Itoobiy ee u dhaxeeya qoomiyadaha lagumaysto.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.