Wararka laga helayo bariga Ogadeniya ayaa ku warramaya in saaka xaalad kacsanaan ah laga dareemayo degmada Ismodaay oo kutallo xadka gobolka Doolo iyo gobolka Qorahay.
Xiisada oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in ay u dhexeyso laba Maleyshiyo beeleed kasoo jeedo degaanka Ismodaay. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xiisadu ay salka ku heyso arrimo la xariira aanoyiin Qabil.
Dadka deegaanka ayaa cabsi ka muujinaya in dagaal uu qarxo, maadaama dhaq dhaqaaqyo laga dareemayo halkaasi.
Arrintan ayaa saameyn ku yeelatay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ku dhaqan degmada Ismodaay.
Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.