Waxaa laga deerinayaa xaalada caafimaad ee ka jirta  Xerada Qoloji oo ku talla gobolka Fafaan, Islamarkaana Xerada ay ka yar yihiin goobaha caafimaadka iyo xitta Masquul La isticmaalo

Gudoomiyaha xerada Qoloji ayaa Halgan Media u sheegay in xaalada dadka Xerada kunool ay marba marka ka danbeeya kasii dareyso ayadoona ay san jirin wax caawinaad ah oo ay hada helaan.

Inta badan dadkan ayaan haysan raashin ay cunaa iyo biyo ay cabaan waxaana gurmad aan sidaas usii badnayn lagaaray dadka deegaanka.

Xerada Qoloji waxaay 50 kilometer u jirta caasimada Jigjiga, waxaana kunool ugu yaraan boqool kun oo Qof (100,000). Dadka waxaa ay  ka soo barakaceen Xasuuqda ay Oromada u geystaan shacabka Somalida ku dhaqaan xadka Somali Galbeed iyo ismamuulka Oromada.

Masuuliyiinta xerada Qoloji ayaa waxaa ay sheegeen in weli wax gurmad aysan ka helin Dowlada Federalka Itoobiya iyo Maamulka Jigjiga, kaasi oo ku aadan in wax loo qabto dadka barakacayaasha ee ka soo barakacay dhibaatooyinka ay Oromada u geysteen shacabka Somalida.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.