Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan oo maanta ka dhacay degmada Danlaheylay ee galbeedka gobolka Sitti.

Dagaalkan ayaa bilowday, kadib markii Maleeyshiyaadka Canfaarta ay weerar culus ku qaadeen degmadaasi, iyaga oo iska cabin xoogan kala kulmay shacabka Somalida ku sugan halkaasi, islamarkaana la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.

Ilo wareedyo la hadlay Halgan Media ayaa sheegay in Laba qof Ku dhawaacmay dagaalka. Xaaladda ayaa weli kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda laga dareemayo degmada Danlaheylay.

Sidoo kale Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Mamuulka gobolka Sitti Ku aadan weraarka maanta ka dhacay degmada Danlaheylay.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.