Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar kooxo hubeysan ay xalay ka fuliyeen deegaanka Dukem ee Ismaamulka Oromada.

Weerarka oo ahaa mid xoogan ayaa la sheegay in lagu qaaday Shaqaale Ajanabi kasoo jeedo dalka China.

Kooxo hubaysan ayaa dilay hal Qof iyo mid kale Ku dhawaacmay “industrial park” oo ku yallo degmada Dukem, kadib goobta ka baxsadeen siidi ay sheegan Safarada dalka China ay ku leyihiin magalaada Addis Ababa.

Welina ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Ismaamulka Oromada ama Dowlada Federalka oo ku aadan weerarkaasi oo aan illaa iyo hadda la garanaynin heybta kooxdii ka dameysay. Sidoo kale xaaladda ayaa hada dagan, iyadoona Ciidamada dowladdu ay howlgallo ka sameeyeen halkaasi.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.