Kuuriyadda Woqooyi ayaa tijaabisay Labo Gantaal oo aan nuucooda weli la ogaan, waana Tijaabadii Afraad ee labo todobaad gudahood ay sameyso, sida uu sheegay Military-ga Kuuriyadda Koofureed.
Gantaaladda waxaa laga riday k koofurta Gobolka Hwanghae ee gacanka ku dhirirsan waxaana loo riday dhinaca bari ee badda, sida lagu sheegay warka kasoo baxay Military-ga Kuuriyadda Koofureed.
Kuuriyadda Woqooyi ayaa Talaabadan waxay ku muujineeysaa diidmadeeda ku aadan dhoolotus military oo ay Isniintii bilaabeen xukuumadaha Seoul iyo Washington.
Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.