Ciidamada Militariga Itoobiya ayaa lagu soo warramayaa in saakay dha dhaqaaqyo Ciidan ay ka wadaan Ismaamulka Shucuubta Koonfured.
Wararka laga helayo Ismaamulka Shucuubta Koonfured ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya fariisin cusub ay ka sameeysten duleedka magalaada Hawassa ee xaruunta Ismaamulka Shucuubta Koonfured.
Lama oga sababaha rasmiga ee ka dambeeya dhaq dhaqaaqyadan Ciidamada Militariga ay ka bilaabeen Koonfurta Itoobiya sidoo kale Ciidamada ayaa la sheegay in tiro dad ah oo u badan Dhalinyaro ay ku qab qabteen howlgalladaasi.
Ma jiro weli wax hadal aha oo ka soo baxay madaxda Ismaamulka Shucuubta Koonfured oo ku aadan dhaq dhaqaaqyada Ciidamada Itoobiya ay ka wadaan deegaanda Maamulkaasi.
Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.