Waxaa lagu wadaa in beri shirwaynihii isbahaysiga talada wadanka Itoobiya haya ee EPRDF, kaas oo si kaduwan sidii hore loogu kala aragti duwan yahay hada, waxaana laga cabsi qabaa in lagu kala guuro.

Shirkan oo ka dhici doonto magalaada Addis Ababa ayaa lasheegayaa in ururada ee isbahaysigan kujirta ay kukala aragti duwan yihiin, waxaana lasheegayaa in qaar ururada kamid ah uu doonayo in isbadalka Itoobiya kadhacay lala jaanqaado halka kuwo kalana ay doonayaan in uu xaalku sidiisii ahaado.

Ururka TPLF oo ahaan jiray gacanta midig ee isbahaysiga bilo kahor ayaa isagu doonaya in dhaqanka ururku uu sidiisii ahaado oo aan waxba laga badalin, Dhinaca kale Ururka OPDO oo isagu ah midka talada wadanka qabtay ayaa doonaya in la hirgaliyo qorshayaasha uu Raysal-wasaaraha cusub soojeediyay waxayna taageerayaan in meesha laga saaro dhaqankii guracnaa ee kooxda TPLF ay umada kumaamulaysay 27dii sano ee lasoo dhaafay.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.