Wararka naga soo garaay gobolka Doolo ayaa sheegaya inuu Dabley hubeysan goor dhow Qof shacab Ku dilay tuulada Bali Haraale ee gobolkaasi.

Goobjoogayaal la hadlay Halgan Media ayaa sheegay in dilka kadib kooxdii dilka geystay ay goobta ka baxsadeen, iyadoona goobta ay soo gaareen Liyuu Booliska oo halkaasi ka sameeyay baaritaano.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Deeq Sheekh Doon. Majiraan faafaahin intaas dhaafsiisan oo laga helaayo dilkaas, mana jiraan faafaahin ay maamulka degaanka sheegen oo ku aadan dilkaas maanta loo geystay Qof shacab oo aan waxba galabsaniin.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.