Wararka naga soo gaadhaya magaalada Maqale ee xarunta Gobolka Tigreega ayaa sheegaya in shir dag dag ah uu halkaas uga furmay kooxda jiha wareersan ee TPLF, taas oo larumaysan yahay in ay saxada siyaasada kasii baxayso.

Sida xogta aan kuhelayno kulan dag dag ah ayaa gudiga fulinta ee kooxda TPLF uga furmay magaalada Maqaale ee xaruunta Ismaamulka Tigreega, kaas oo sida lasheegayo lagaga hadli doono arimo dhowr ah oo ay kamid yihiin mustaqbalka kooxda TPLF oo mugdi siigalaya iyo arimaha kusoo cusboonaaday Gobolka Tigrey ee dhaca Waqooyiga wadanka Gumaysiga Itoobiya.

Qoomiyada Tigreega oo mudo 27 sano ah xukunka wadanka Gumaysiga Itoobiya ku amar kutaaglaynaysay ayaa sanaadkii lasoo dhaafay ahayd qoomiyada ugu liidata qoomiyadaha Itoobiya marka laga eego dhinaca siyaasada, waxayna gaadhay heer dadkeedu ay kala qaxaan cabsi iyo rajo xumo owgeed.

Dadka arimaha siyaasada ka faalooda ayaa mustaqbalka qoomiyada Tigreega kusheegay mid mugdi siigalaya waxaana lasheegay in ay qoomiyadu cunayso midhihii ay talaalatay oo ahaa dambiyo iyo dulmi ay kagashay dadwaynaha.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.