1960kii oo ahayd markii ay Soomaaliya xorriyadda qaadatay ayaa dadka ree Ayshica ee Somali Galbeed (Ogadenia) waxay sameeyeen dabaal deg aad u waynaa oo muujinayay farxadda ay la wadaagayeen walaalahooda Soomaaliya ee xornimada qaatay.
Boqorkii xilligaa haystay Itoobiya ee Xayle silaase ayaa markii uu ka war helay in dad uu isagu maamulo ay u dabaal dagayaan xornimada Soomaaliya waxaa uu Ciidankiisii amar ku siiyay in dadkii dabaal-dagga sameeyay oo dhan hal meel inta la isugu keeno la laayo, sidii ayaana lagu laayay dadkii oo isugu jiray Rag waawayn Hooyooyin iyo waliba caruur yaryar
Maanta oo Sabti ah magaalada Ayshica ee Gobolka Shinniile ayaa lagu qabanayaa Xus aad u wayn oo loogu baroor diiqayo Xasuuqii 1960kii ay gaysteen Ciidamadii Xaylesalaase, kaas oo lagu laayay dad shacab ahaa oo aad u tiro badan.
Xuskan ayaa waxaa kasoo qayb galay hooganka fashilmay Mustafa Cagjar iyo Kooxda Jigjiga, sidoo kale waxaa kasoo qayb galaya marti sharaf kale oo ka imaanaysa dalalka dariska ah iyo dad aad u badan oo ka imaanaya degaanka.
Wa markii u horraysay taariikhda ee noocan oo kale loo xuso dhacdadan murugada leh, iyadoo wixii isbaddalka ka horeeyay ay shacabku iskood u qabsan jireen xuskan.
Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.