Maxkamadda racfaanka Maamulka Somaliland ayaa waxaa saaka ka soo hormuuqday C/Maalik Muuse Coldoon oo horay ay u xukuntay Maxkamadda Gobolka Waqooyi Galbeed.

Maxkamadda Racfaanka ayaa maxkamadda gobolka ku ayidday xukunkii hore ee ay ridday Maxkamadda Gobolka kaas oo ahaa xukun 3 Sano iyo lix bilood ah.

Goobta saaka lagu xukumay Coldoon ma joogin qareen difaaca iyo xitaa qoyskiisa sida uu dhigayo xeerka Somaliland taas waxaa ay ka hor imaneysaa sharciga.

Coldoon ayaa lagu eedeeyay inuu u gefay Taliska Muuse Bixi iyo Iskuul lagu magacaabo Abaarso oo ku yaalla duleedka Hargeysa.

Wariye Coldoon xariggiisa ayuu Maamulka Somaliland kala kulmay dhaleeceyn badan,waxaana dhawaan is casilay Qareenkiisii oo sheegay in Somaliland oo ka talliyo Waqooyiga Soomaaliya aysan ahayn goob uu sharcigu sarreeyo.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.