Wararka naga soo gadhaay galbeedka gobolka Siiti ayaa sheegaya in labada malin la soo dhafaay oo xoogaystay dagaalada u dhaxeeyo Somalida Iyo Canfaarta.

Ilo degaanka ah ayaa Halgan Media u xaqijiyay in ugu yaraan 17 qof ku dhintaay dagaalada u dhaxeeyo labada dhinac malmaahi la soo dhafaay.

Sidoo kale dadka degaanka ayaa Sheegay markii ay maleeyshiyaadka Canfaarta kuso dulaan shacabka Somalida inay Liyuu Booliska Somalida ka Qayb galaan dagaalka.

Dadka ku dhintaay iyo ku dhawaacmay dagaalka ayaa la sheegay inay u badan yihiin haween iyo caruur oo aan waxba galabsaniin. Mamuulka Mustafa Cagjar weli kama hadlin tacadiyada iyo Xasuuqda ay maleeyshiyaadka Canfaarta kula Kaceen Somalida.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.