Qunsulka Soomaaliya u fadhiya Dalka Sacuudi Carabiya , Ilyaas Sheekh Cumar, ayaa booqasho ku tagay Xabsiga Shimees ee Magaalada Jiddah ee dalka Sucuudiga,halkaas oo ay ku jiraan maxaabiis Soomaaliyeed,taasi oo qeyb ka ah fulinta balanqaadyo uu sameeyay ee ah in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaasi jooga ay helaan adeegii ay qunsuliyadda uga mas’uulka ahayd, mar uu u waramay Somali National TV (SNTV) ee ledahay dowlada Soomaaliya.

Qunsulka, ayaa intii uu halkaasi ku sugnaa aad ugu kuur-galay xaaladda nololeed iyo tan caafimaad ee muwaaddiniinta Soomaaliyeed ee ku jira Xabsiga Shimeys,wuxuuna madaxdii uu la kulmay uu kala hadlay sidii loogu fududeyn  lahaa arrimohooda, islamarkaana ay aqbaleen in dadkaasi maxaabiista ah hadii la qabto ay muddo maalmo kooban gudahood ay dalkoodi hooyo ku soo celiyaan.

Mas’uuliyiinta Dalka Sacuudiga ee uu la kulmay Qunsulka Soomaaliya ayaa waxay ballan qaadeen in muwaaddiniinta la keeno Xabsiga Shimeys ee Magaalada Jiddah ay Maalmo gudahood ugu fududeyn doonaan howlahooda.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.