Boqortooyada Ingiriiska ayaa si rasmi ah uga baxday midowga Yurub kaddib 47 sano oo ay xubin firfircoon ka ahayd howlaha iyo guud ahaan ururka midowga reer Yurub EU, doodda ka bixidda iyo ku jiridda ama kamid ahaanshaha midowga Yurub ee UK ayaa bulshada Ingiriiska ka dhex abuurtay muran iyo kala qaybsanaan ballaaran.

Gobolada iyo magaalooyinka waaweyn qaarkood ayaa dadweynuhu isu soo baxay dhismaha Baarlamaanka UK iyaga oo sita calamada Ingiriiska halka gobolo iyo magaalooyin kale ay ka aamuseen ka hadlidda ka bixidda UK ee midowga Yurub.

Boris Johnson raisalwasaaraha UK ayaa ugu baaqay dadweynaha UK midnimo iyo wadajir isaga oo ku tilmaamay tallaabada ka bixitaanka EU in ay tahay bog cusub oo u billowday dadka UK.

Dadka dersa xiriirka UK iyo EU ayaa sheegaya in saameynta ayaa kabixitaanku ay billowga hore noqon doonto mid kooban, sababtana waxa ay ku sheegeen in xiriirka UK iyo EU uusan isbeddeleyn muddada kmg ah sida ay labada dhinac ku heshiiyeen.

Waxa si toos ah hadda u furmaya wadahadal adag oo kusaabsan nuuca iyo shuruudda xiriirka cusub ee ay yeelanayaan UK iyo EU kaas oo uu filayo Johnson in ay ku soo afjarmaan heshiis guud bisha December-2020.

EU waa isbaheysi Siyaasad iyo dhaqaale oo u dhexeeya 27 Waddan oo kamid ah qaaradda Yurub, saldhiggiisu waa Brussels caasimadda Biljamka, boqortooyada Ingiriisku waxa ay noqoneysaa dalkii ugu horreeyey ee kabaxa midowga Yurub.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoso Halagn Media