Dawladda Maraykanka ayaa faah faahin waxaa ay ka bixisey duqeyn dhinaca Cirka ah oo ay ka fulisey deegaan duleedka ka ah Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Qoraal kasoo baxey Taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyntaas oo dhacdey 4/2/2020 oo shalay ku beegneyd lagana fuliyey deegaanka Beer Xaani oo ku yaalla Galbeedka Kismaayo.

Sidoo kale qoraalka Africom ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyntaas lagu diley xubin ka tirsan Ururka Al-Shabaab,hayeeshee aan wa khasaaro ah gaarin dad rayid ah.

Sidoo kale Mareykanka ayaa sheegay in uu sii wadi doono howlgallada dhinaca Cirka ah oo ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab,iyaga oo tageero siinaya Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Waa duqayntii lixaad ee Marayanku ka gaysto Soomaaliya sannadkan 2020,waxaana todobaadkaan uu duqyen ka fuliyey degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.