Milateriga Maraykanka ayaa sheegay in Labo askari lagaga dilay wadanka Afganistan, Lix kalena dhaawacyo ay soo gaareen ka dib markii uu rasaas ku furay askari ka tirsan ciidamada Afqaanistan.

Falkan lagu dilay askarta ayaa ka dhacay gobolka Nangarhar, halkaasi oo uu ka socdo howlgal ay si wadajir u fulinayaa ciidamada Maraykanka iyo kuwa Afqaanistan.

”weli Waxaaun ururinaynaa xogta ku sababtay waxaa sababay ama ku kalifay askarigaas uu weeraro ciidamada maraykanka” sidaas waxaa yiri Colonel Sonny Leggett, afhayeenka ciidamada Maraykanka ee Afqaanistan.

Mubariz Khadem oo ah Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidamada Afqaanistan ayaa dhacdada ku sheegay inay ahayd isku dhac dhexmaray ciidamada Maraykanka iyo kuwa Afqaanistan.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.