Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Xaruunta gobolka Jubada Hoose waxa ay sheegayaan in saakay Ciidamada Maamulkaas ay sameeyeen howlgalo ay kusoo qabteen dad ay la xiriirinayaan Al-Shabaab.

Dad ku sugan Magaalada Kismaayo waxa ay shabakada Halgan Media u sheegeen in Ciidamada ammaanka ay goob isugu geeyeen Dad u badan dhalinyaro oo ay kala soo baxeen xaafado kamid ah magalaada Kismaayo.

Ciidamada ayaa dhalinyarada la aaday mid kamid ah Xarumaha ay ku leeyihiin Magaalada Kismayao si ay baaris ugu sameeyaan, waxaana ay sii daayeen qaar kamid ah dadkii lagu qabtay howlgalka

Baaritaanada iyo Howlgalka Ciidamada Ammaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa daba-socda Qarax xalay ka dhacay Goob ganacsi oo ku taalla Isgoyska Golol oo u dhaw aargada Magaalada Kismaayo.

Qaraxaas waxaa ku dhintay labo ruux, halka ay ku dhaawacmeen dhowr iyo toban kale oo la geeyay isbitaalka Magaalada Kismaayo oo xiligaan looga daweynayo dhaawacyadii soo gaaray sida ilo wareedyo ku sugan Kismaayo ay Mustaqbal u sheegeen.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.