Wararka naga soo gaadhaya gobolka Shabellaha Hoose ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamo isagu jiro Mareykaan, Somali iyo AMISOM ayaa dhaq dhaaqyo xoogan ka wadaan gobolka Shabellaha Hoose.

Ilo degaanka ah ayaa idacaada Halgan Media u xaqijiyay in ciidamada Mareykanka iyo ciidamada Soomalida loo yaqaano Danab iyo kuwa AMISOM ayaa dhaq dhaaqyo xoogan xalay ka wadaay degmada Bariire ee gobolka Shabellaha Hoose.

Waxaana la sheegay inay ciidamadas oo aad u badan, xalay ku hooydeen degmada Bariire ee gobolka Shabellaha Hoose, waxaana laga yaaba inay u wajahaan yihiin dhanka degmada Janaale isla gobalkaasi Shabellaha Hoose ee boqoolki boqool gacaanta ku hayaan Xarakada Al Shabaab.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.