Wararka nagaa soo garaaya Koonfurta Soomaaliya yaa sheegaya in saacadihii ina dhaafay Ciidamo Itoobiyaan ah saldhig cusub ka furteen degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Dadka degaanka ayaa sheegay inay Ciidamada Itoobiya la wareegen, Garoonka diyaaradaha ee Degmada Doolow, kadibna saldhig cusub ka samaystay.

Weli ma jiro war kasoo baxay maamulka Jubaland iyo mas’uuliyiinta Dowlada Federalka Soomaaliya..

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.