Kooxo hubeysan oo aan heybtood la garanaynin ayaa maanta dilay sarkaal hore oo katirsanaa ciidamada amaanka ee ismamuulka Oromada sida ay sheegtay idaacadda BBC ee laanta Oromada.
Teshome Genati oo hore katirsanaa hay,adaha amaanka ee ismaamulka Oromada ayaa maanta lagu dilay degmada Nekemte oo katirsan gobolka Wollega ee ismaamulka Oromada sida ay wararka u dhigeen idacada BBC ee laanta Oromada.
Waxaana la sheegay in rag ku hubeysnaay bistoolad ku dileen meel udhow gurigiisa, kadibna goobta ka baxsaday. Sidoo kale weli maa jirto cid sheegtay masuuliyada dilka.
Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.