Wararka naga soo gaaraya gobolka Shiniile (Sitti)?ayaa sheegaya in gudoomiye cusub loo magacaabay degmada Miyeeso ee gobolkaasi.

Sida ay sheegeen qaar kamid ah masuuliyinta daegaanka oo la hadlay Idaacada Halgan Media, waxaa gudoomiyaha cusub loo magacaabay Cabdicaziiz Maxamed oo la sheegay inuu yahay shaqsi caan ka ah deegaanka Miyeeso oo khibrad iyo aqoon leh.

Degmada Miyeeso waxay kamid tahay degmooyinka ugu weyn gobolka Shiniile, wuxuuna xadka la wadaagaa Ismaamulka Oromada.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.