Ciidamada Itoobiya ayaa lagu soo warramayaa in saakay dha dhaqaaqyo Ciidan ay ka wadaan Galbeedka Gobolka Sitti.

Dadka deegaanka ayaa Halgan Media u sheegay in dhanka Degmada Cadayti  ay ka soo galeen degaanka Somalida, islamarkaana ay isku ballaariyeen qeybo ka mid ah galbeedka gobolka Sitti ee dhulka Somali Galbeed.

Lama oga sababaha rasmiga ee ka dambeeya dhaq dhaqaaqyadan Ciidamada Itoobiya ay ka bilaabeen Galbeedka Gobolka Sitti.

Balse maalmihii la so dhaafay ayaa waxaa deegaano ka tirsan Gobollada Sitti kasocdo dagaalo u dhaxeeyo shacabka Soomaaliyeed iyo Maleeyshiyaadka Canfaarta kasoo dulaay Ismaamulka Canfaarta.

Ma jiro weli wax hadal aha oo ka soo baxay madaxda degaanka Somalida oo ku aadan dhaq dhaqaaqyada Ciidamada Itoobiya ay ka wadaan galbeedka gobolka Sitti.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.