Dagaal beeleed ayaa lagu soo waramayaa inuu dib uga qarxay degaano hoostaga degmada iimeey galbeed ee gobolka Afdheer.

Iska hor-imaadka oo udhaxeeya Labo maleyshiyo beeleed ayaa salka ku haya lahaanshiyaha Dhul ay isku haystaan.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lasoo sheegayaa inuu keenay dagaalka, oo soo kala gaarey labada dhinac.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa tibaaxaya inay socdaal dedaalo la doonayo in xal loogu helo dagaalkaan halkaasi kusoo laab-laabtay.

Xaalada degaanada lagu dagaalamay ayaa haatan mid degan, inkasta dadka degaanka ay soo warinayaa inay ka cabsi qabaan inay dib ubilaabato is-rasaasaynta.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.