Cudurka Coronavirus oo Kusii Batay Gudaha Itoobiya

Cudurka Coronavirus oo Kusii Batay Gudaha Itoobiya

Wasaarada Caafimadka ee Dowlada Federalka Itoobiya ayaa goor dhow sheegtay in 5 qof laga helay cudurka Coronavirus.

Sida ay sheegtay wasaarada caafimadka 24 saac ee u dambeyay waxay baareen 1,758 qof, kadibna waxaa soo baxday in 5 kamid ah ay qabaan cudurka Coronavirus.

Kiisaska cusub ee Coronavirus oo laga helay gudaha Itoobiya, wuxuu keenay in guud ahaan dalka ka jirto 140 ruux oo cudurka laga helay, taas oo cabsi weyn ku dhex abuurtay dadka shacabka ah.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.

About The Author