Tuulada Barmiil oo ka tirsan degmada Dhuxun ee gobolka Nogob ayaa waxaa ka dhacay fatahaado aad u balaadhan fatahaadahan oo ay sababtay roobab ka da’ay aaga ayaa togaga iyo laaguhu waxay soo rogeen biyo lixaad leh.

Dadka tuulada dagan oo ah dad danyar ah kadib markay dhaafiyeen xoolihii abaarihii deegaanka ka dhacay ayaa tuulada waxaa dagan maxaysato aad u farabadan.

Shacabkan oo aan haysan guryo ka celin kara roobka iyo cadceeda ayaa mudo sacado ah waxaa hayay roob lixaad leh marki danbana kalifay inay dadad soo rogmadan.

Soo rogmashada daadadkan oo latagay xoolo tiro badan khasatan adhi iyo aqalo ayaa dadkii shacabka ahaa ee aaga ku dhaqnaa barakaceen sido kale dadka masakiinta ah wuxuu kala tagay roobku raashinkay cunayeen

Dadkan oo u barakacay meelo ka baxsan fatahaadaha ayaan haysan wax ay ka hoos galan dhaxamaha iyo roobka madama lagu jiro xili roobadkii.

Mahaystan cuno iyo maryo waxaana aaga isugu tagay boqolaalan shacab ah majiraan wax dhimasho ah oo soo gaadhay lkin waxay laa ildaranyihiin baahi iyo dhaxan.

Ugu danbayn xukumada deegaanka ka talisa iyo he’yadaha midna maysan tagin aaga mana aysan caawin shacabka taakulada u baahan

Deegaanka somalida oo roobabkii gugu aad oga da’ay ayaa meelo kale ka dhaceen fatahaado sida degmada qalaafo oo barakac xoog leh ka dhacay ilaa hadana wax gargaar ah oo ka socota dawlada iyo he’yadaha aysan gaadhin.

Shafi Dulane Halgan Media Jigjiga.