Magacaabistii Abiy Axmed ee Ra’iisul wasaaraha Ethiopia bishii April sanadkii 2018-kii, ayaa u muuqata inay mar hore daaqadda ka baxday.
Labadii sano ee lasoo dhafay, isku dhac goboleed, mid isir iyo mid siyaasadeed ayaa hareeyay fekerka, awoodda iyo khayraadka, waxaana ku dhintay kumanaan, malaayiinna waa ay ku baro kaceen.
Go’aanka Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ee uu dib ugu dhigay doorashadii Ethiopia ayaa abuuray mashaakil dastuuri ah. Safmareenka COVID-19 waa waxaa lo cuskaday dib u dhigista laakiin ma’ahan sababta.
Xisbiga ugu weyn mucaaradka Itoobiya ee Oromo Federalist Congress iyo lixda xisbi ee ay xulafada yihiin ayaa diiday go’aanka Abiy Axmed, waxayna ku baaqeen wada hadal si loo helo xal.
Kooxda TPLF ayaa diiday dib u dhigista doorashadda waxaana uu sheegay in uu isu diyaarinayo doorashooyin gobol. Waxaa intaas ku dareen in tani ay meesha ka saareyso in si sharci darro ah ay awoodda ku heystaan dadka talada haya.
Siido kale Tigreega ayaa ku dhaawaqay in ay u dareeri doonaan doorashooyinka gobolka. Guddiga Doorashooyinka iyo Abiy Axmed midna kama joojin karaan dadka Tigrayga in ay doorashooyinka qabsadaan.
Isku day kasta oo lagu joojinayo doorashooyinka iyadoo awood la isticmaalayo waxaa ay kala qaybin kartaa ciidanka Itoobiya. Iskudayga nuucaas ah waxaa uu sidoo kale keeni karaa in Tigreega ay adeegsadeen qodobka 39 aad ee dastuurka islamarkaana ay madaxbanaani ku dhawaaqaan.
Xisbiyo dhowr ah oo mucaarad ah oo uu ku jiro midka Oromada aya sidoo kale ku dhawaaqay in ay doorashada u dareeri doonaan wixii ka dambeeya 30-ka September. Waxay diideen in ay aqoonsadaan Dowlad sharci darro ah.