Wararka aan ka heleyno Koonfurta Soomaaliya waxaa ay sheegayaan in gelinkii dambe ee shalay halkaas uu dagaal xoogan ku dhexmaray Ciidamada Itoobiya iyo Al Shabaab.

Dagaalkaas ayaa waxaa uu yimid kadib markii Al Shabaab ay qaraxyo lala eegteen Kolonyo Ciidan Itoobiyaan ah oo socdaal ku mararay inta u dhexeeysa degmooyinka Yurkud iyo Dollow, waxaana halkaas ka dhacay dagaal qaatay saacado badan.

Ilo degaanka ah ayaa Halgan Media u sheegay in dagaalka u dhexeeyay labada dhinac la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, isla markaana ay maqlayeen jugta rasaas xoog leh.

Warar Al-shabaab ay ku qoreen barahooda Internet-ka ayaa waxaan ay ku sheegteen in dagaalkii ay la galeen Ciidanka Itoobiya uu qaatay saacado badan ayna Khasaaro badan ku gaarsiiyeen, In kastoo aysan shaacin tirada khasaaraha.

Dhinaca kale weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka Itoobiya oo ay uga hadlayaan dagaalkii ka dhacay inta u dhexeeysa gobolada Gedo iyo Bay.

Al-shabaab ayaa dhowr jeer qaraxyo iyo weeraro toos ah todobaadyadii lasoo dhaafay Ciidamo ka tirsan Itoobiya kula eegteen Koonfurta Soomaaliya.

Wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.