Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Yemen, Axmed Al-maysari ayaa yidhi in xabsiyadda ay imaaradka mamuulan waa in la xiro. Hadalkan oo sheegay mar uu shalay Cadan kula kulmay Reema al-Haashimi oo ah Wasiirka Iskaashiga Caalamiga ee Imaaraadka.
Kulankaasi waxa goob joog ka ahaa Taliyaha Ciiddanka Imaaaradka Carabta ka jooga Yemen, Jeneral Maxamed Al-xasani.
Waa markii ugu horreysay oo ay Dowladda Yemen si rasmi ahaan ugala hadasho Imaaraadka in la xiro Xabsiyadaasi, kadib, markii la soo weriyey in Tacadiyo, jir-dil iyo kufsi lagula kaco Maxaabiista.
Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.