Guddoomiyaha gobolka Qadaarif ee bariga dalka Suudaan, Nasruddiin Cabdulqayuum ayaa sheegay in ciidamada dalkiisa ay iska caabbiyeen weerar Axaddii ay ku soo qaadeen ciidamo Itoobiyaan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dhankooda aanu wax khasaare ah soo gaarin marka laga reebo hal askari oo dhaawac fudud qaba, isaga oo sidoo kale aan ka faalloonin khasaaraha gaaray ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee weerarka soo qaaday.

Nasruddiin ayaa sheegay in ciidamada dalka Suudaan ay marwalba diyaar u yihiin in ay dalkooda ka difaacaan ciddii ku soo gardarroota.

Itoobiya ayaanan iyadu wax war ah ka bixinin dhacdadan.

Billowgii bishan ayay ahayd markii Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed uu baarlamaanka dalkiisa ka hor sheegay in soohdinta u dhexeysa iyaga iyo Suudaan aaanay noqon doonin mid colaad dhex dhigta labada dal.

Ku xigeenka golaha haya talada dalka Suudaan, Maxamed Xamdaan oo booqasho ku tagay Itoobiya ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha Itoobiya ay si qoto dheer uga wada hadleen arrimo ka dhexeeya labada dal oo ay ka mid tahay tan xuduudda.

xilliyada ay roobabku da’aan waxaa deegaannada xuduuddan ah ka dhaca weerarro hubaysan oo kooxo hubaysan oo aan ka amar qaadanin maamulka Addis Ababa ay ku soo qaadaan dhulka beeralayda Suudaan ee dhaca soohdinta labada dal.

Halgan Media.