Qatar waxaa la ogyahay inay galaan-gal siyaasadeed ku leedahay arrimaha Soomaaliya, iyadoo Muqdisho u fadhiga Fahad Yaasiin, oo ah gacanta-midig ee Farmaajo.

Dowladaha Beesha Caalamka oo dano kala duwan ka leh arrimaha dalka Soomaaliya oo qaran-bur-bur 30 sano jirsaday ku dhacay , taasoo keentay khilaaf dan ku saleysan, oo dhexdooda ku jira.

Waxyaabaha ugu waaweyn ee laga dhaxlay kuwa la baxay “wadamada saaxiibka la ah Soomaaliya”, waxaa kamid ah khilaaf aan dhamaad lahayn oo laga dhex abuurayo marwalba Madaxda wadanka iyo maalgelinta hurinta colaadaha.

Dowlad kasta oo lasoo dhisay tan iyo 2000 [Carta], madaxdii lasoo dooranayay waxay ahaayeen kuwa ku yimid xukunka maalgelinta dal shisheeye, oo ku qasbayay inuu u fuliyo danihiisa Soomaaliya ka leeyahay.

Tusaale, maamulka Farmaajo wuxuu 2017 qaatey go’aan uu ku sheegay inuu dhex-dhexaad ka yahay khilaafka wadamada Khaliijka Carabta, laakiin ma dhacay? Waxay DF si dedban ula safatey dalka Qatar.

Qatar waxaa la ogyahay inay galaan-gal siyaasadeed ku leedahay xilligan arrimaha Soomaaliya, iyadoo Muqdisho u fadhiga Fahad Yaasiin, oo ah gacanta-midig ee Farmaajo, isagoo daaha-gadaashiisa dalka ka maamula.

Doha ayaa Malaayiin dollar ku bixiyay ololihii doorashadda Farmaajo 2017.

Waxaa Qatar tartan kula jira dowladda Imaaraadka oo khilaaf kala dhaxeeya, taasoo maamusho dekado ku yaalla Soomaaliya, sida Boosaaso iyo Berbera, islamarkaana dhaqaale iyo hub siisa mamuulada Puntland iyo Somaliland.

Dagaalkii dowladaha Khaliijka, ayaa loo soo guuriyay Soomaaliya, waxaana arintaasi ku kala qeybsamay Madaxda Maamullada iyo Dowladda Federaalka, oo mid waliba dhinac la jiro, si danihiisa gaarka u ilaashado.

Sidoo kale, waxay Soomaaliya ka degi la’dahay siyaasad ahaan iyo amni ahaan dowladaha Kenya, Itoobiya, hay’adda Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo dowlada Mareykanka.

Wadamada saaxiibka la ah Soomaaliya waxay daqiiqadii ugu dambeysay bedeleen mowqifkoodii ku aadan inaysan doorashadda dhaafin waqtigeeda 2020-21, kadib markii ay taageereen mudo korarsiga Farmaajo, oo horey uga digi jireen.

Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa ku eedeeyay dowladaha Shisheeye eek u lugta leh arrimaha dalka inay wataan nooc doorasho oo gaar ah, taasoo ka turjumeysa danahooda, oo aan ahayn danta Soomaaliya.

Halgan Media