Sida la wada ogyahay dalka Itoobiya waxaa ka socdo kacdoon xoogan ooka dhan ah xukuumada RW Abiy Ahhmed taas oo keentay khasaaro baahsan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.
Dowlada Itoobiya ayaa ciidamada militariga ku fasaxday Addis Ababa iyo magaaloyinka waa weyn oo ka tirsan deegaanka Oromada si ay u xakameyso kacdoonka Lakiin taas fashil ayay ku dhamaatay, waxayna dharbaaxo ku nooqotay RW Abiy Ahmed.
Sida aan xogta ku helnay Sarakiil katirsan ciidamada federalka Itoobiya oo kasoo jeedo qomiyada Oromada oo codsaday in aan magacooda lashaacin ayaa Halgan Media u xaqijiyay inay Dowlada Itoobiya qorshaynayso inay qaar kamid ah ciidamadeeda ay kala soobaxayso Soomaaliya si looga hortago kacdoonada dalka Itoobiya.
Jamhuuriyada Soomaaliya waxa duulaan ku joogo in ka badan 20,000 ciidamo Itoobiyan, ah waxayna kusugan yihiin gobolada Bay, Bakool, Gedo, Hiiraan.
Halgan Media.