RW xukuumada Itoobiya ee Abiy Ahmed ayaa safar ku tagay Koonfurta Itoobiya, kadibna kulan la qaatay saraakiil iyo masuuliyin katirsan Ismaamulka Shucuubta Koonfureed

Abiy Ahmed ayaa si kulul u dhaliilay mas’uuliyiinta, wuxuuna ku eedeeyay inay ku fashilmeen hogaaminta deegaankooda, isaga oo carabka ku dhuftay inuu amniga Ismaamulka shucuubta koofureed faraha kasii baxayo sida ay sheegtay idaacada FANA oo ku hadasho afka dowlada Itoobiya.

Safarka uu Abiy Ahmed ku tagay Ismaamulka Shucuubta Koofureed ayaa noqday markii ugu horaysay uu caasimada ka tagay sida uu kacdoonka uga bilowday Itoobiya.

Mudooyinki u dambeyay Ismaamulka Shucuubta Koofureed ayaa noqoday meelaha u daran dalka Itoobiya kadib markii uu dalkaasi kacdoono hor leh ka dilaacay Asbucii hore, wuxayna caqabad weyn ku noqotay RW Abiy Ahmed.

Halgan Media.