War ka soo baxay AMISOM ayaa lagu beeniyay in qarax lala eegtay Ciidamo Itoobiyan ah ay ku dhinteen Soddoon Askari oo ka tirsan Ciidamada Gumeysiga Itoobiya.

Waxaa AMISOM ay sheegtay Ciidamadaas khasaaraha kaliya ee gaaray ay yihiin dhaawaca 4 Askari. Sidoo kale AMISOM  ayaa sheegtay in Ciidamaas ay dalkooda dib ugu laabanayeen,isa markaana xilliga la qarxinayay ay marayeen deegaanka Ceelgaal ee duleedka Baladweyne.

Al-Shabaab ayaa war ka soo baxay shalay waxaa lagu sheegay in qarax ay la eegteen ciidamada Itoobiya ku dileen 30 askari balse ay Maanta AMISOM beenisa.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.