Wararka aynu ka heleyno magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose ahna fadhiga dowlad gobaleda Jubaland ayaa waxa ay sheegayaan in ammaanka saaka siweyn loo adkeeyay.

Ciidamada ammaanka Jubaland iyo kuwa AMISOM ayaa wadooyinka lagu arkayaa, waxaana wadooyinka qaar saaka laga joojiya in ay isticmaalaan gaadiidka.

Saddexda Bishan Septemper ayaa lagu wadaa in Kismaayo ay marti galiso shirka madaxda maamul goboleedyada, maanta inta badan madaxda gobollada ayaa qorshuhu yahay in ay gaaraan magaalada Kismaayo.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.